Puntland: Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay shirarka aan ogolaanshaha ka haysan gobolka

Guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo shirarka aan ogolaanshaha ka haysan maamulkiisa ee lagu qabto gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu amray dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Mudug in ay joojiyaan wixii shirar ah oo aan ogolaansho ka haysan maamulka gobolka Mudug.

waxaa la farayaa dhammaan guddoomiyeyaasha Degmooyinka inaan hoteellada magaalooyinka lagu qabankarin wax shir ayadoon ogolaansho laga haysan maamulka gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aankan ayaa la qaatay kadib markii la arkay baahida loo qabo sugidda amniga gobolka iyo ilaalinta sharciga si looga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka maamulka dowliga ah sida qoraalka ku cad.

Ayadoo laga duulayo baanhida loo qabo sugidda nabadgelyada gboolka, iyo fulinta sharciga, waxaa lagama maar maan ah in laga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaanka maamulka dawliga ah” ayuu sii raaciyay.

Halkaan ka akhriso qoraalka

PUNTLAND POST