Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa galabta magacaabay, guddi qaabilsan Dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada waqooyi ee dalka.

Guddiga uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabay, ayaa ka kooban lix xubnood, waxaana guddoomiye u ah xildhibaan lagu magacaabo, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo hore u soo noqday wasiirkii Arrimaha debadda dowladdii Federaalka ee TFG.

Guddiga ayaa kala ah; xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo guddoomiya iyo guddoomiye ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ay weheliyaan Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow), Dr Cali Siciid Fiqi, S/G: Axmed Jaamac Muuse iyo Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli.

Magacaabida Guddigan qaabilsan Dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, ayaa ku soo beegmay xilli ay hakad ku jiraan wada-hadallada labada dhinac ee dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland.

PUNTLAND POST