Madaxweyne Farmaajo oo dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii taliyaha Booliisku soo jeediyay in la dallacsiiyo saraakiishaasi.

Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu dallacsiiyay saraakiisha oo loo xiray derajooyin cusub.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.

PUNTLAND POST