Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo la laayey iyagoo qarax dhigaya

Saddex  ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Shalay lagu dilay degaanka Kiunga, oo hoos taga is-maamulka Lamu, markii ay Ciidanka Boliiska Kenya Rasaas is weydaarsadeen xubno ka mid ahaa malayshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi dhigayay Miino.

Saraakiisha Boliiska Kenya oo u warramay Jariiradda Daily Nation ee Dalkaasi kasoo baxda ayaa sheegay in iska hor imaadkaasi ay iyaga kaga dhaawacantay Laba Sarkaal.

Ciidanka Boliiska Kenya, gaar ahaan Unugga ilaalada xudduudaha ee (RBPU ) loo yaqaan, ayaa xilligaasi ku guda jiray howlo gaaf meer ah, waxanay sheegeen in ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab.

PUNTLAND POST