Al-shabaab oo sheegtay in ay 20 askari ka dileen ciidamada Ethiopia

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM qarax lagula eegtay nawaaxiga degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida la sheegayo jalfiyay mid kamid ah kolonyo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ku soday saldhig ku yaallla degaanka Halgan oo u dhexeeya degmada Buula-burde iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxaasi u dhigeen ciidamada AMISOM islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 20 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM.

Balse weli ma jiro war la xiriira sheegashada Al-shabaab oo ka soo baxay dhanka ciidamada Ethiopia sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay qaraxa.

PUNTLAND POST