SOMALILAND: Waxaan fashilinay dabin-daabyo ay noo maleegtay Dowladda Soomaaliya

Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis isku magacaabay ee Somaliland ayaa sheegtay inay fashilisay qoshe ay wadday Xukuumadda Federaalka Somalia, kaasoo salka ku haya amar dhawaan kasoo baxay Dowladda Sucuudiga, kaasoo ahaa inay DF uga soo qaataan warqad fasax ah xoolaha ay u dhoofinayaan waddankaas.

Hadalkan ayaa laga sheegay kulan ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Somaliland, kaasoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa, C/raxmaan Saylici iyo xubno kale, waxayna ku sheegeen warkooda in DF ay hagar-daamo ku hayso maamulka Somaliland.

“Waxaanu cambaareynaynaa weerarada joogtada ah ee ay Dowladda Xamar ku bartilmaameedsanayso horumarka iyo jiritaanka Somaliland, waxayna taasi muujinaysaa cadaawadda aan gabashada lahayn ee ay DF ku hayso shacabka Somaliland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulankaas.

Sidoo kale, Wasiirrada Somaliland ayaa sheegay inaanay qarsoonayn is hor-taaggii bareerka ahaa oo ay madaxda Dowladda Somalia ku hor-joogsadeen xoolo ka dhoofay dekedaha Somaliland, kuwaasoo la isku dayay inaysan ka deign sucuudiga.

“Waxaa ayaan-darro ah in madaxda DF ay isku dayeen inay hor-joogsadaan in xoolaha Somaliland aysan ka degin Sucuudiga, balse taas guul-darro ayay kala kulmeen, waxaana nasiib-xumo ah inay sheegeen in amarkooda ay uga dageen xoolahaas sucuudiga,” ayaa mar kale lagu yiri war-murtiyeedka.

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay boqortooyada Sucuudiga uga mahad-celinayso tallaabada geesinnimada leh ee dalkeeda ay ugu ogolaatay xoolaha ka dhoofay Somaliland, kuna garawsatay muhiimada isku socodka ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Sucuudi Carabiya.

Ugu dambeyn, Goluhu Wasiirrada Somaliland ayaa warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, iyadoo go’aanka soo baxay uu muujinayo in xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Somaliland ay gaartay meeshii ugu sarreysay.

PUNTLAND POST