Madaxweynaha Puntland oo si adag uga digay in dhalinyarada Puntland la kiciyo si loo wiiqo jiritaanka Puntland

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Isniinta maanta ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday garoomada Puntland ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan dowladnimada Puntland iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada waxaana uu si weyn uga digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta hannaanka dowladnimo ee Puntland ka dhisan.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Puntland looga daydo horumarka ay gaartay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in uu sii wadi doono horumarka iyo maalgeshiga ka socda degaannada Puntland si loo gaaro mustaqbal wanaagsan.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan xukuumadda Puntland ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku eedaysay in uu baal-maray hab-maamuuskii loogu tala-galay xilli uu booqanayey waqooyiga Gaalkacyo uuna u khudbeeyay dhalinyaro badan oo meel ugu diyaarsana.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST