Madaxweynaha Puntland oo magacaabay maareeyaha guud ee wakaaladda Biyaha

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka maareeye cusub u magacaabay wakaaladda Biyaha Puntland oo dhowaan la aas’aasay.

Maareeyaha guud ee wakaaladda Biyaha dowladda Puntland, ayaa madaxweynuhu u magacaabay, Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo hore uga tirsanaa shaqaalaha Bankiga dhexe ee dowladda xaruntiisa Boosaaso.

Dikreetada lagu magacaabay mas’uulkan cusub oo soo baxday saaka oo Isniin ah, ayaan weli warbaahinta lala wadaagin, balse waxaa Puntland post u xaqiijiyay ilo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa la filayaa in todobaadkan sii wado isbeddel dhanka maamulka ah oo uu ku sameynayo mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha,agaasime-waaxeedyada,qaar kamid ah guddoomiyaasha gobollada iyo laamaha garsoorka Puntland.

Todobaadkii tegay, ayaa madaxweyne Deni soo bilaabay isbeddelada dhanka mas’uuliyiinta dowladda, isagoo magacaabay ilaa 8 mas’uul oo ay ku jiraan agaasimayaasha wasaaradaha Maaaliyadda iyo Macdanta&Biyaha.

PUNTLAND POST