Guddoomiyaha Waxbarashada Qardho iyo maamulka dugsiga sare ee Sheikh Cusmaan oo la magacaabay

Guddoomiyaha cusub ee waxbarashada degmada Qardho Mr Faandhe

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa magacaabay guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar isagoo sidoo kale maamul cusub u magacaabay dugsiga sare ee Sheikh Cusmaan Qardho oo ku yaalla degmadaasi.

Wasiirka ayaa guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho u magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cali (Faandhe) halka uu maamulaha cusub ee dugsiga Sheikh Cusmaan-Qardho u magacaabay Cabdulqaadir Muuse Axmed (Dhiqirje).

Sidoo kale maamul ku xigeenka Sheikh Cusmaan Qardho ayaa wasiirku u magacaabay Cabdiraxmaan Ciise Muuse iyo khasnajiga oo loo magacaabay Khadra Cumar Salaad.

Wasiirka ayaa isbeddel ku sameeyay maamullada qaar kamid ah dugsiyada sare ee dowladda Puntland isagoo maamulayaal cusub u magacaabay dugsiyada Gambool Cumar Samatar iyo Sheikh Cusmaan-Qardho.

Hoos ka akhriso magacaabistooda

PUNTLAND POST