Dowladda Somalia oo Muqdisho ka billowday Qorshe lagula dirirayo Burcadda hubeysan

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Amniga DF ayaa Muqdihso billabay hawl-gallo lagula dagalamayo kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya shacabka Xamar ku nool, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow.

Duqa Muqdisho ayaa shir guddoomiyay shirka ammaanka caasimadda looga hadlay, wuxuuna bogaadiyay olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya ammaanka guud ee caasimadda dalka.

Taliyeyaasha amniga gobolka ayaa la wadaagay guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawl-gallo ka dhan ah moorayaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaasoo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Yaaqshiid iyo Dayniile.

Sidoo kale, Taliska ayaa xusay in isbitaalka Madiina ee Muqdisho uu ku naf-waayay mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo C/casiis, kaasoo waaran maxkamadeed horey loogu soo jaray, kaasoo lagu dhaawacay dagaal uu la galay laamaha amniga dhaawacaasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday.

Dhanka kale, Inj. Yariisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka Muqdisho iyo taliyeyaash ciidamada inay si adag uga hor-tagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya ammaanak guud ee caasimadda.

“Waan wadaynaa ololahan, waxaana si adag uga digeynaa kuwa caadeystay inay iska indho-tiraan nidaamka iyo amarrada lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa uga mahaceliyay bulshada Muqdihso ku nool sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna laamaha amniga ula wadaagayaan xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baada dadka Xamar ku nool.

PUNTLAND POST