Al-shabaab oo digniin kama dambays ah siisay ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Soomaaliya

Bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa digniin kama dambays ah loogu diray odoyaashii ergooyinka ahaa ee soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dhisan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bayaanka oo ku qornaa Af-Soomaali iyo English ayaa lagu sheegay in ergooyinkaasi ay ku dhaceen fal-gaalnimo ah waxaana Al-shabaab u qabatay mudda 45 cisha ah in ay ka toobad keenaan islamarkaana iska diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Al-shabaab waxay ergooyinka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku eedaysay in ay gun-dhig u noqdeen in dalka laga hirgeliyo maamulo ku dhisan Dastuur aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka oo horseedaya in gumeysi la geliyo Soomaaliya.

Waxa kaloo Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan ergooyinkaasi oo aan ka faa’idaysan mudada 45 maalmood ah ee loo qabtay in ay iska soo diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab.

PUNTLAND POST