Faahfaahinta khasaaraha qaraxii Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhintay qofkii ismiidaamiyay oo keliya islamarkaana ay ku dhaawacmeen shan qof oo ku sugnaa meheradda qaraxu ka dhacay.

Qofka ismiidaamiyay ayaa sida la sheegayo cabbaar fadhiyay meheradda qaraxu ka dhacay oo ka soo horjeedda xarunta loo yaqaan INJI oo uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Shiekh Maxamed Shaakir.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa ku jira haweeyneydii meheradda la hayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli uu magaalada ku suganyahay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre oo todobaadyadii u dambeeyay socdaal ku marayey degaannada Galmudug.

PUNTLAND POST