Weerarkii lagu qaaday Kismaayo oo lasoo af-jaray iyo khasaarihii ka dhashay oo kordhay

Kismaayo (PP) ─ Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa sheegay inay soo af-jareen weerarkii Al-shabaab ay shalay gellinkii dambe ku qaadeen Hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo aad u fara badan.

Inta la ogyahay weerarkaas oo socday muddo 10-saac ka badan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan soddomeeyo qof, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka guud ee Kismaayo.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ku jira wariyeyaal, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasoo hoteelkaas ku sugnaa xilliga weerarku dhacayay.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa laga soo xigtay in magaalada xalay oo dhan laga maqlayay rasaas iyo qaraxyo u dhexeysay ciidanka Jubbaland iyo xoogaggii weeraray hoteelkaas, kuwaasoo loo maleynayo in gabi ahaan la dilay.

Ururka Al-shababa ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, waxayna qaar ka mid ah warbaahintooda ku sheegeen inay hawlgalkoodaas ku dileen dad ay ku jiraan ajaanib, sidoo kalena ay muddo dheer maamulayeen hoteelkaas oo ku yaalla bartamaha Kismaayo.

Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo Madiina horayna loo oran jiray Cas-caseey ayaa ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaana dagganaa dad badan oo qurbaha kasoo laabtay iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana ka socday xilliga la weeraray shir ay lahaayeen xubno ka tirsan Jubbaland, Dowladda Somalia iyo Waxgarad ka soo jeeda Jubbooyinka.

Dhanka kale, Weerarkaan ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynayaasha Somalia iyo Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, kuwaasoo sheegay in Al-shabaab ay doonayso inay dhibaatooyin u geysato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn, Xaaladda Kismaayo ayaa weli kacsan, waxaana hoteelka ku jira ciidammo badan oo kuwa amniga ah, kuwaasoo diiday inay cid kale u gudbto gudaha hoteelka inta laga xaqiijinayo amnigiisa.

PUNTLAND POST