Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay weerarkii Kismaayo

Muqdisho (PP) ─ Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira ayaa si adag u cambaareeyay weerarki argagixso ee lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Kismayo ee koonfurta Soomaalya, kaasoo lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan kuwo kalena uu dhaawacyo ka soo gaaray.

Danjire Madeira ayaa si naxariis leh ugu tacsiyeeyay qoysaskii iyo dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarki arxan darada ahaa. Waxaa uu sidoo kale caafimaad buuxa u rajeeyay dadkii ay dhaawacyadu ka soo gareen weererka.

Sidoo kale, Ergayga wuxuu weerarkaas ku tilmaamay mid lagu baabi’inayo horumarka Somalia xili uu dalku dib u dhismayo horumarna laga samaynayo amaanka iyo nabada. Dadka weerarka soo qaaday waxaa ay ahaayeen kuwo lahaa ahadaaf guracan oo lagu gaysanayo fal dambiyeedyo, dilal iyo burbur. Ma sheegan karaan in ay u dagaalamayaan in dalka ay dowlad wanaagsan u horseedaan.

Ergayga ayaa wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Somalia ay horumar balaaran ka samaysay qabsahada dhul badan iyo in argagixisada laga saaro deegaano badan oo dalka ka tirsan. Isagoo intaas ku day in Hawl-galka midowga Afrika ee AMISOM uu sii wadi doonaa taageerada hay’adaha amaanka ee Somalia, iyagoo wali sii wada hawlaha argagixisada looga xoreynayo dhulka haatan ku jira gacantooda.

“Annagoo ku samrayna weerarkan, waxaan rabaa inaan ka mahad-celiyo dhabar-adayga dadka Soomaaliyeed, iyagoo uga fal-celinaya weererkaan hawl-karnimo iyo inay sii wadaan dadaalka ay ku dhisayaaan naftooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Danjire Madeira.

akiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in AMISOM ay la shaqayn doontaa dowladda fadaraalka Somalia, dowlad-goboleedyada Somalia iyo beesha caalamka sidii daba-gal loogu samayn lahaa kooxihii ka dambeeyay falkan foosha xun ee dadka badan lagu dilay.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 26-qof oo ay ku jiraan ajaanib tiradooda lagu sheegay siddeed qof, iyadoo laba ruux oo kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Shiinaha ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, waxaana dadka dhintay ku jiray wariyeyaal, musharraxin iyo xubno oo ka tirsan hoggaanka bulshada.

PUNTLAND POST