Mareykanka iyo Somalia oo go’aan ka gaaray hagaajinta Maaliyadeed ee dalka

Muqdisho (PP) ─ Kulanka maanta oo Jimco Muqdisho ku dhex-maray wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Bayle Ducaale iyo Safiirka Mareyknaka ee Somalia, Donald Yamamoto ayaa looga hadlay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiir Bayle iyo Danjire Yamamoto ayaa waxay kulankooda oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxay isku soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyadoo loo marayo heshiiskii IMF-ta.

Sidoo kale, Wasiir Bayle oo kulanka kaddib la hadlady warbaahinta ayaa ku tilmaamay kulankaas mid kusoo dhammaaday is-afgarad, isagoo xusay inay arrinta hagaajinta maamulka maaliyadda dalka ay horseedi doonto in dalka laga cafiyo dhammaan daymaha lagu leeyahay.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu Mareykanku siiyo Somalia ee ku aaddan dib u hagaajinta dhaqaalaheenna, xasilloonida maaliyadeed iyo rajada miro-dhalka ah ee deyn cafinta Somalia,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dhanka kale, Danjire Yamamoto ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay inay gacan siiso Somalia, isagoo xusay in qorshayaasha ay DF waddoa ay yihiin kuwo horseedi kara horumar ballaaran oo Somalia ay ku tallaabsato.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda Trump uu hoggaamiyo ay sheegtay inay dib u billaabayso taageerada ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Somalia, taasoo la joojiyay kaddib markii musuq-maasuq lagu eedeeyay dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Farmaajo ayaa waxay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay, waxaana kulammo loo qabtay arrimaha dayn-cafinta lagu kala qabtay dalal badan oo uu ka mid yahay Mareykanka.

PUNTLAND POST