Faahfaahin; khasaarihii ka dhashay weerarkii Kismaayo iyo Al-shabaab oo sheegatay

Kismaayo (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya weerarkii cuslaa ee galabta lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha Kismaayo, kaasoo kooxda Al-shabaab ay sheegatay, waxaana la sheegayaa in uu weli weerarku socdo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xildihbaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya laga soo badbaadiyay hoteelka la weeraray, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Iftiin Xasan Baasto iyo Caano-nuug oo labadaba Jubbaland laga soo doortay.

Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiiiyay in lagu dilay weerarkaas, waxaana ka mid ah; wariye lagu magacaabi jiray, Maxamed Sahal Cumar [Gacma-dheere ]oo u shaqeeyay qaar ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan, madaxii hay’adda SAADO ee Koonfurta Somalia, Deeq Ciise Webi, waxaa kaloo weerarkan ku geeriyooday, Hodan Naaleeye oo ahayd wariye ka faaloota arrimaha bulshada iyo saygeedii oo horay u soo noqday wasiirka ganacsiga Jubbaland, Jaamac C/raxmaan Fariid iyo xuno kale oo la sheegay inuu ku jiray xildhibaan Axmed Xaashi Maxamuud oo baarlamaanka DF ka tirsanaa.

Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa la dhigay dhaawacyada dad aad u fara badan oo ka mid ah kuwii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka, waxaana la geeyay isbitaalka maydadka dhawr, waxaana weli socda gurmadka loo fidinayo dadkii ay waxyeelladu soo gaartay.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka yihiin, ayna la beegsadeen hoteel ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan DF iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena ay joogeen xubno caddaan ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Innaga ayaa ka dambeynay weerarka, waxaan weerarnay hoteel Cas-casey oo ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaan weerarkaan ku billownay Qarax, intaas kaddibna waxaa hoteelka gudaha u galay ciidamadeenna, Hoteelka gudihisa waxaa daadsan dad badan oo uu ku jiro ruux caddaan ah,” ayuu ku yiri hadalkiisa afhayeenka hawlgallada ee Al-shabaab.

Dhanka kale, wararka laga helayo Kismaay ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo gudaha hoteelka, ayna halkaas ku sugna yihiin ciidamada sida  gaarka ah u tababaran ee Jubbaland, lana wado hawlgallo lagu badbaadinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas.

Weerarkaan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo ururka Al-shabaab ay ka geystaan gudaha Kismaayo oo sanadihii u dambeeyay laga dareemayay magaaladaas ammaan la isku halleyn karo.

Ugu dambeyn, Hoteelka la weeraray ayaa waxaa dadka daggan ka mid ahaa C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxnimo ee dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

PUNTLAND POST