Warbixin: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo la shaaciyay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland.

Agaasimaah waaxda imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid) oo ka warbixiyay imtixaanka Form Four-ka ayaa sheegay in imtixaanka loo diyaariyay 5005 kun oo arday balse aysan gelin oo ka maqnaayeen 31 arday oo keliya halka ay dhaceen 82 arday iyadoo ay ku baaseen 4893 arday.

Agaasimaha ayaa sheegay in sixitaanka imtixaanka oo ay ka qeyb-qaateen 200 oo macallin uu soo bilowday 20-June islamarkaana uu socday mudda 10 maalmood ah isagoo soo dhammaaday 30-June kadibna lagu soo wareejiyay guddiga imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada oo hubin ku samaynay mudda 10 maalmood oo kale.

Axmed Saahid ayaa tilmaamay in sixidda imtixaanka Puntland uu maro hannaan adag oo lagu xaqiijiyo hufnaanta imtixaanka taasi oo keentay in wakhti badan wasaaraddu ku bixiso sixidda iyo hubinta imtixaanka.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada Baarlamanka Puntland Cali axmed Dhahar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo weerar boro-bagaandho ah ku soo qaaday imtixaanka Puntland si uu u fashiliyo balse taasi ay u socon wayday.

Cali Dhahar ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay tallaabo ka qaadi wayday wasiir Goodax oo boro-bagaandho ku soo qaaday imtixaanka Puntland kadib markii uu isagub ku fashilmay imtixaankii guud ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa isna halkaasi kaga dhawaaqay 10-ka arday ee sannadkan ugu sarraysa imtixaaanka shahaadiga fasalada 4-aad ee dugsiyada sare isagoo hambalyo u diray dhammaan ardayda iyo waalidiintooda.

Wasiirka aya digniin adag u diray qaar kamid ah dugsiyada Waxbarashada Puntlnd oo uu sheegay in ay hoosayso tayadooda dhanka waxbaridda arday isagoo ku hanjabay in aqoonsiga lagala noqon doono haddii aysan kor u qaadi tayadooda.

Halkaan ka daawo shaacinta natiijada

PUNTLAND POST