Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inay la dirirayaan kuwa dhirta u beddela dhuxusha

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Islaam] ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo, isagoo sheegay in dhirta deegaannadaas lagu hayo xaalufin ba’an.

Axmed Madoobe ayaa xusay in sababta ugu badan ee xaalufinta dhirta ay tahay iyadoo loo bedelo dhuxul, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dhirta la jarayo si aanu deegaanka ugu dhicin xaaluf sababa dhibaatooyin kale oo aan hadda loo jeedin.

“Xaaluf ba’an ayaa deegaanka ku dhacay, waxaana sabab u ahaa dhirta oo la jarayo iyo dhuxusha, taasoo keentay inuu roobku yaraadu, waayo halkan dhul roob buu ahaa oo ay ku noolaayeen jireen maroodiga iyo duur-joogta kale,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku baaqay in laga wada-hortago kuwa dhirta xaalufinta ku haya, wuxuuna la barbar dhigay Al-shabaab oo uu xusay inay dagaal adag kula jiraan, kuwa dhirta jarana ay dagaal la mdi ah la geli doonaan.

“Waxaa loo baahan yahay inaan u midowno kuwa dhirta jaraya ee dhuxusha u bedelayo, sida aan ugu midownay kooxda Al-shabaab oo kale,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland oo hadalladiisa ay ka muuqatay caro.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in qofka dhirta jaraya loo arko sidii qof jaraya risiqa qof kale oo Soomaali ah, wuxuuna xusay in dhuxusha ay dhibaato weyn ku tahay dadka iyo deegaanka, ayna doonayana inay ka hortagaan cid walba oo doonaysa inay dhirta dhuxul u bedesho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalkan jeediyay isagoo booqsaho gaar ah ku maraya deegaanka Cabdalla-biroole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana booqashadan loo arkay inay qayb ka tahay ololihiisa doorashada dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa meesha ka saaraya hadallo horay loo sheegay oo ahaa inuu isagu qayb ka yahay dhirta loo bedelayo dhuxusha uuna dekedda Kismaayo ka dhoofiyo dhuxul fara badan oo loo ganacsi geeyo dalalka Khaliijka Carabta.

PUNTLAND POST