Qarax aad u culus oo ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Qarax gaari oo inta badan laga maqlay Muqdisho ayaa ka dhacay goor-dhaw agagaarka isgoyska Digfeer ee Muqdisho, kaasoo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay, ayaa haddana warar aan caddeyn waxay sheegayaan inay gaariga ku jireen laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkii gaarigaas waday, ayna ku dhinteen.

Sidoo kal, wararka ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo halkaas ku lahaa koontarool ay celiyeen gaariga, taasina ay keentay inuu qarxo, inkastoo ciidamadu ay markii horeba bixiyeen digniin ku addan inaan halkaas la marin.

Qaraxan ayaa wuxuu geystay burbur xooggan, iyadoo ay burbureen inta badan guryihii halkaas ku yaallay oo u badnaa jiingado, waxaana haatan la xiray dhammaan wadda, waxaana dhacaysa rasaas goos-goos ah.

Halka uu qarxau ka dhacay ayaa waxaa ku dhaw isbitaallo uu ka mid yahay Digfeer oo ay dib u dhistay dowladda Turkiga, waxaana kaloo ku yaalla isbitaal kale oo lagu magacaabo Somali-Sudanese oo ay ajaanib ka hawl-gasho iyo isbitaallo kale oo yar-yar.

Dhanka kale, goobta ayaa ahayd marinka keliya ee ay maraan gadiidka dadweyne, kuwaasoo loo diiday inay maraan waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah, waxaana gaadiidka ay isaga goosi jireen inta badan Muqdisho.

Ugu dambeyn, Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu eedeeyaa Al-shabaab, waxaana goobta ka socda baaritaanno ku aaddan sida qarxaan uu u dhacay iyo saameynta uu yeeshay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha waxaa kula socon doontaan Puntland Post haddii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST