Mashruucii JPLG ee degmada Bander-bayla oo musuq maasuq loo joojiyay

Hay’adda Qandaraas-bixinta dowladda Puntland, ayaa degmada Bander-bayla ee gobolka Karkaar ka joojisay, qandaraaskii mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, kadib markii sida ay hay’addu sheegtay hab musuq-maasuq lagu bixiyay qandaraaskaasi.

Waxaan Xafiisyada Warqdan tooska ugu Socoto iyo kuwa ay ogaysiinta ku tahay ku wargelineyna in la joojiyo qandraaska JPLG-ga ee laga furey Degmada Bander-beyla June 2019 kaaso lagu furey si aan sharciga waafaqsaneyn Taas oo qandraas-qaatayal badan ay ku sheegen iney horseedey Musuq maasuq iyo eex baahsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adda Qandaraas-bixinta Puntland.

Hay’adda ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, waxay ku eedaysay in uu maamulay musuq maasuq iyo eex baahsan oo lagu sameeyay bixinta qandaraaska mashruuca JPLG ee degmada Bander-bayla ee gobolka karkaar.

Musuq maasuqa iyo isdaba Marintan ayaa lagu eedeyey Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha gudaa Juba Cali Nuur iyo Xilibaan ka tirsan golaha deeganka degmada Bander-beyla oo la sheegey iney shirkado ay samesysteen ay ku qaaten mashaaricdii JPLG-GA Sanadka ee degmada Bander-beyla ee gobolka karkaar” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Waxaa kale oo hay’addu sheegtay, in la baal-maray dhammaan nidaamkii dowliga ahaa ee hay’adda Qandaraasyada Puntland, maadaama sida ay caddaysay aan lambarka xayaysiinta laga qaadan hay’adda Qandaraas bixinta Puntland, laguna wargelin furitaanka Qandaraaska.

“waxaa la garab marey dhamaan Nidaamki dowliga ahaa ee hay’ada qandraasyada Puntland ee sharciga Lr.11 ee 16/08/2000 oo Barlamaanka Puntland meel mariyey iyo kan caalamiga ha kadib markii la furey qandraaskan iyada oo aan lanbarka Xayeysiinta laga qaadan Hay’ada qandaraas bixinta dowlada puntland Laguna wargelin furitaanka qandraaskan” ayey tiri hay’adda.

Halkan ka akhriso qoraalka lagu joojiyay mashruuca

PUNTLAND POST