Jubaland oo jawaab adag siisay dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeynayso in dowladda federaalka Soomaaliya aysan Wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland.

war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland ay gebi ahaanba iyadu mas’uul ka tahay qabashada doorashadeeda sidaasi darteedna aan dowladda Federaalka Soomaaliya waxba laga weydiin doonin arrimaha doorashadaasi.

Sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in haddii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka waantoobi weydo xad-gudubyada joogtada noqday ay dowlad goboleedka Jubaland joojin doonto dhammaan wixii cilaaqaad iyo wada-shaqeyn ahaa ee kala dhexeeyay Villa Somalia.

Jubaland ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqday in ay si dhow ula socdaan siyaasadda gurracan ee sharciga baalmarsan oo sida ay sheegeen Villa Somalia kula dhaqmayso Jubaland.

PUNTLAND POST