Dagaal culus oo ka socda degmada wanlaweyn

Dagaal culus oo u dhexeeya malayshiya-beeleedyo iska horjeeda ayaa saaka ka socda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegayaan goobjoogayaal degmadaasi ku sugan.

Dagaalka oo ka socda bartamaha magaalada ayaa la isu adeegsanayaa hub culus oo gariiriyay magaalada waxaana haatan dagaalku ku sii fidayaa qeybaha kale  iyadoo sida la sheegayo labada dhinac ee dagaallamaya uu mid walba gurmad helayo.

Wararku waxay sheegayaan in Khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn khasaaaraha halkaasi ka dhacay iyadoo wakhti hore tahay in xog  fiican laga helo.

Xiisadda  ayaa dib ugu soo cusboonaatay degmada Wanlaweyn kadib markii  dhowaan ay dilal kala duwan oo la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen gudaha degmadaasi.

PUNTLAND POST