Waa maxay sababta Gallan uga war-wareegayo in uu tego gobolka Mudug?

Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shalay hor-tegay Baarlamanka si jawaab uga bixiyo eedaymo ku xusan warbixin uu soo bandhigay guddiga Amniga golaha wakiilada Puntland.

Guddiga ayaa warbixin uu todobaadkii hore u gudbiyay Baarlamanka ku sheegay in wasaaradda Amnigu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale wasaaradda ku eedeeyay ay soo gudbin wayday warbixin tixraac leh oo ku saabsan amniga iyo nabadgelyada Puntland islamarkaana wasiirka wasaaraddaasi uu ka baaqsaday in uu horyimaado golaha.

Waxaa kale oo guddigu wasiir Gallan ku eedeeyay in uu askareeyay  dhalinyaro khal-khal gelin ku haya amniga Boosaaso iyo in uu faraha ka laabtay xaaladda nabadgelyo ee gobolka Mudug.

Haddaba wasiirka ayaa shalay raalli-gelin ka bixiyay qaar kamid ah eedaymaha ku cad warbixinta guddiga halka qaar kalena uu beeniyay sida in uu askareeyay dhalinyaro dhibaato ku haya amniga Boosaaso.

Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay warbixinta laga soo gudbiyay waxaana su’aalahaasi kamid ah sababta uu uga war-wareegayo in uu tego gobolka Mudug?

Hoos ka daawo jawaabaha wasiirka

PUNTLAND POST