Qaramada Midoobay oo ka hadashay xiriirka xilligaan kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib cayrintii ergaygoodii hore Nicholas Haysom, taasoo sababtay inuu khilaaf soo dhex-galo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Sarkaal tirsan QM ayaa sheegay inuu soo hagaagayo xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya QM iyo Dowladda Soomaaliya, kaddib xiriir aan sii buurnayn oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay muddo lix bilood ah.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaablsan frika, Bintou Keita oo dhawaan booqatay Soomaaliya ayaa sheegtay in xilligan uu xiriirka u dhexeeya labada dhinac soo hagaagayo ayna is arkeen intii ay Somalia ku sugnayd madaxda Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Keita ayaa sheegtay in wadahadalladii ay la yeelatay madaxda Somalia diiradda lagu saaray hanaanka siyaasadda iyo ka dhaqaale ee dalka iyo weliba xiriirka Somalia iyo Qaramada Midoobay u dhexeeya.

“Madaxda Somalia waxaan kawada hadlanay siyaasada, aasaaska nidaamka federaalka iyo xaaladda dhaqaale ee dalka,” ayay sarkaaladdan ku sheegtay qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM.

Dhanka kale, Safarkeeda ayaa yimid dhawr toddobaad un kaddib markii QM ay ergey cusub u soo magacowday Somalia, kaasoo u dhashay Mareykanka laguna magacaabo, James Swan horayn u soo noqday safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu iskiis isku casilay.

Ugu dambeyn, Xiriirka u dhexeeya QM iyo Somalia ayaa xummaaday kadib markii Xukuumadda Somalia ay horraantii sannakan shaqada ka cayrisay eregygii UN-ka ee Somalia, Nicholas Haysom oo ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku sameeyey arrimaha gudaha ee Somalia.

PUNTLAND POST