Madaxweyne Puntland oo isku’ shaandeyn samaynaya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu todobaadyada soo socda sii dhammaystiro, isbeddelka dhanka maamulka ah ee hay’adaha dowladda, kaasi oo uu waday tan iyo markii uu soo  dhisay xukuumaddiisa.

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in madaxweynuhu todobaadyada soo socda uu taliyaal cusub u magacaabi doono, ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska Puntland.

Warbaahinta Puntland Post ayaa sidoo kale ogaatay, in madaxweyne Deni uu isku’ shaandheyn kooban ku samayn doono qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland.

Qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa la filayaa in wasaarado kale loo beddelo, halka qaar cusubna la magacaabi doono.

Waxanse si rasmiya loo ogayn wasaaradaha uu saamayn doono  isbeddelka madaxweynaha iyo wakhtiga isbeddelkaasi dhici doono midna.

PUNTLAND POST