Golihii Degaanka Buurtinle oo is wada-casilay

16 xubnood oo kamid ah golaha Degaanka degmada Buurtinle, ayaa xalay iscasilay, kadib markii uu shalay mooshin ku furmay kal-fadhiga golaha oo ka koobnaa 23 xildhibaan.

Mooshinka ayaa laga keenay guddoomiyaha degmada Buurtinle, Maxamed Maxamuud Axmed (Buur-dibi) oo khilaaf xooggan soo kala dhex-galay isaga iyo xildhibaannada golaha oo ku eedeeyay xil-gudasho la’aan.

Sida uu qabo xeerka golayaasha Degaanka Puntland ee Law 7, haddii saddex-meelood oo laba-meelood iyo in ka badan ay is casilaan golaha, waxaa sharci ahaan sidaasi lagu kala dirayaa dhammaanba golaha..

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland oo haatan ku sugan degmada Buurtinle ayaa laga sugayaa in ay soo dhisaan gole Degaan oo cusub.

Xeerka golayaasha degaanka Puntland, ayaa dhigaya in mudda 45 cisho gudahooda lagu soo dhiso gole cusub, haddii uu meesha ka baxo gole Degaan.

PUNTLAND POST