Abwaan Sangub oo ku geeriyooday dalka Ethiopia

Wararka laga helayo laga helayo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, ayaa sheegay in saaka uu halkaasi ku geeriyooday, abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub.

Alle ha u naxariistee, abwaanka oo sannadihii u dambeeyay xanuunsanayey, ayaa dhowaan la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethipia, si loogu soo daweeyo, balse halkaasi ayuu saaka ku geeriyooday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan eheladiisa.

Abwaanka oo kamid ahaa tiirarkii hal-abuurka Soomaaliyeed, ayaa lagu xasuustaa riwaayado iyo heeso badan oo uu sameeyay, kuwaasi oo Soomaalida dhexdeeda caan ka ah.

Taariikhdiisa kala soco Puntland Post