Baarlamanka Puntland oo dib ugu noqonaya heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso

Ajandaha kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo shalay la ansixiyay, ayaa lagu daray qodob ku saabsan, in dib u eegis lagu sameeyo, heshiiska ballaaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay xukuumaddii hore ee Puntland la gashay shirkadda DP World.

Qodobkan ayaa sida la sheegayo, waxaa soo diyaariyay mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Puntland, oo doonaya in dib loogu noqdo heshiiska DP World, maadaama sida ay qabaan  2 sano kadib heshiiskaasi, aysan jirin wax shaqa ah oo laga qabtay dekedda Boosaaso.

Heshiiska DP World oo soconaya muddo 30 sannadood ah, ayaa waxaa bishii Apriil ee sannadkii 2017 wada saxiixday, madaxweynihii hore  Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman.

Nuxurka heshiiskaasi ayaa dhigaya in shirkaddu ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo lagu kordhin doono 450 mitir oo ballac ah.

Sida ku xusan heshiiska,  shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar.

Baarlamankii hore ee Puntland ayaa heshiiska ansixiyay 27-kii july 2017, balse mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada cusub ee Puntland, ayaa ku doodaya in dib loogu noqdo, maadaama sida ay sheegayaan aan mudadaasi wax shaqa ah laga qaban dekedda.

PUNTLAND POST