Wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland oo tababar u furay 25 Injaneer oo ka shaqeeya mashruuca JPLG

Wasiirka  wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Mudane Axmed Bashiir Muuse, ayaa maanta Garoowe tababar uga furay 25 Injaneer oo ka shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Injaneerada ka faa’idaysanaya tababarkaan oo ka kala yimid 9 degmo oo uu ka socdo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, ayaa la barayaa dhammaan xirfadaha la xiriira farsamooyinka  dhismaha ee kala duwan.

Tababarka ay Injaneerada ka shaqeeya JPLG u furtay wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland, ayaa waxaa bixinayaa macallimiin ka socda jaamacadda PSU.

Injaneer Ciise oo ka tirsan wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland ayaa sheegay in tababarkan ay wasaaraddu ugu tala-gashay Injaneerada ka shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG si wasaaraddu sare ugu qaaddo xirfadda injaneeradaasi.

Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland, Axmed Bashiir Muuse oo hadal kooban u jeediyay Injaneerada fursadda u helay tababarkan, ayaa ku boorriyay in ay ka faa’idaystaan cilmiga ay u gudbinayaan macallimiinta, isagoo sheegay in kormeer iyo daba’gal lagu samayn doono sida ay uga faa’idaysteen tababarka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in waraaddiisu ay qaban doono tababarro kale oo kor loogu qaadayo xirfadda iyo farsamooyinka injaneerada da’da yare ee sannad walba u soo baxaya Puntland, si loo helo Injaneero aqoon buuxda u leh shaqadooda.

PUNTLAND POST