Garlibaax oo ka shifay heshiis Puntland la gashay maraakiib jariif ah

Siyaasiga Maxamuud Cabdiyare Garlibaax, oo si kooban uga faallooday khudbaddii shalay madaxweynaha Puntland u jeediyay golaha wakiilada, ayaa soo dhoweeyay qodoba ku xusan khudbaddaasi oo ay kamid tahay;  dadaalka xukuumaddu ugu jirto hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah.

Hadalkii Madaxweyne Deni ka jeediyey Golaha Wakiilada ee ahaa In xukuumadiisa ay ku tijaabinayso seddax Degmo oo Ka mid ah Puntland in habka hanaanka Doorashada hal cod iyo hal qof sanadkan 2019 intaanu Dhamaan laga hirgalin doono si looga helo Khibrad Doorashada hanaanka xisbiyada badan ee mustaqbalka waxaan hubaa inay kalsooni ku abuureyso Shacabka reer Puntland haddii la howlgeliyo Pilot Project tigaa” ayuu yiri Garlibaax.

Siyaasiga ayaa sidoo kale  bodaadiyay, qodob la xiriiray dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo madaxweynuhu ku sheegay khudbaddiisa sida, dib u-hawlgelinta dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, hirgelinta marso Kalluumaysi oo laga dhisayo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, dhismaha garoonka diyaraadaha Gaalkacyo iyo  laami-saarista jidka Dangoroyo iyo Eyl.

Balse, dhinaca kale wuxuu wal-wal ka muujiyay, sababta madaxweynuhu Baarlamanka iyo shacabka Puntland ugu faahfaahin waayay, heshiis uu sheegay in xukuumaddu la gashay shirkado kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo shatiyo loo siiyay in ay gurtaan kalluunka xeebaha Puntland sida uu hadalka u dhigay Garlibaax.

Madaxweynaha sooma hadal qaadin heshiiskii shacabka welwelka ku abuuray ee ahaa keenista shirkadaha Kaluumeysiga ee China kaasoo laga filayey inuu faahfaahin Ka bixiyo” ayuu sii raaciyay siyaasi Garlibaax oo ka digaya heshiiskaasi.

PUNTLAND POST