Maxaa ku gaar ahaa kulankii Cawad iyo Tim Walz?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Mudane Axmed Ciise Cawad oo socdaal ku tegay dalka Mareykanka, ayaa kulamo kala duwan la qaatay aqoon-yahannada Soomaaliyeed, Culimo Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka.

Wasiirka oo magaalada Minneapolis kula kulmay aqoon-yahanno Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay xaaladda dalka meesha ay mareyso iyo doorka qurba joogtu ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, waxaana wasiirku ku boorriyay in ay qaybtooda ka qaataan horumarinta waddanka.

Mudane Cawad ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota, Mr.Keith Ellison, Duqa magaalada St.Paul, Mr.Carter iyo guddoomiyaya Gobolka Minnesota Mr.Tim Walz.

kulanka wasiirka iyo guddoomiyaya gobolka Minnesota, waxaa ku gaar ahaa soojeedin la xiriirtay in maamulka gobolka Minnesota ay Soomaaliya ku yimaadaan socdaal u gogol xaaraya horumarinta xariirka ganacsi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu dadka Soomaaliyeed kula hadlay jaamacadda Augsburg. Kulanka oo ay si wadajir ah usoo diyaariyeen gobol Minnesota, jaamacadda Minnesota iyo jaamacadda Augsburg, waxaa ka qayb galay dad badan oo aan Soomaali ahayn.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa intii uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu sidoo kale xarunta Islaamka ee Darus-salam kulan kula qaatay Culimada Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo dowrka culimadu ay ku leeyhiin dib u dhiska dalka.

Culimada ayaa ballan qaaday in ay bulshada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ku wacyi gelinayaan in ay dhisaan xarun ay leedahay safaaradda Soomaaliyeed ee Washington DC.

PUNTLAND POST