Madaxweyne Waare oo sheegay in la qabtay dhammaan raggii dilay Col. Maxamed Macow

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhammaan la soo qabtay raggii dilay Col. Maxamed Macoow Xalane oo ahaa taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan islamarkaana caddaalada la marsiin doono.

Mudane Waare ayaa soo dhoweeyay guddiga heer Qaran ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baaritaanka dhacdadii lagu dilay Col. Maxamed Macow isagoo sheegay in Hirshabeellena ay magacaabi doonto o guddi heer wasiirro ah oo la shaqeeya guddiga heer Qaran si baaritaan dhab ah loogu sameeyo cidda bixisay amarka lagu dilay taliyaha.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay taliyaha iyo guud ahaan bulshada reer Beledweyne isago ugu baaqay in la is dejiyo oo xasiloonida la ilaaliyo inta caddaalada laga marsiinayo kuwii ka dambeeyay dilkiisa.

Hoos ka daawo shirkiis jaraa’id

PUNTLAND POST