Karaash oo amar ku bixiyay in mudda 24-saac gudahooda wax looga qabto adeegyada aas’aasiga ah ee Af-urur

Kusimaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa amar ku bixiyay in mudda 24 saac gudahooda looga jawaabo, baahiyaha ka jira tuulada Af-urur ee gobolka Bari, gaar ahaanna adeegyada aas’aasiga ah, sida biyaha iyo caafimaadka.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka, ayaa ku amray hay’adaha kala duwan ee sama’falka, in ay si deg deh ah uga hawlgalaan degaankaasi Af-urur.

Go’aankan ayuu ku dhawaaqay, xilli guddoominayay shirka golaha wasiirada xukuumadda Puntland oo looga hadlay; Amniga dalka, Safarkii Madaxweyne Ku-xigeenka ee deegaanka Af-urur, Xaaladda Waddooyinka Puntland iyo Warbixino kale.