Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda.

“Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada deegmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.”

Inj. Yarisow ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Wardhiigleey inay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey waxaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku weheliyey Kuxigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Guddoomiyaha Degmada Wardhiigleey, Saynab Maxamed Xaabsey.

PUNTLAND POST