Dowlada Kenya oo xalay xabsiga kasii daysay Dr. Ibraahim Bur-saliid iyo xubno kale

Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa xalay xabsiga ka sii-daysay Ibraahim Faarax Bur-saliid, kaasoo mudo shan casho ah ugu xirnaa xabsi ku yaalla Magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Bishaan horraanteedii ayay ciidamada sirdoonka Kenya gurigiisa kala baxeen Bur-saliid, iyadoo lala xiray saddex qof oo kale oo Somali ah, kuwaasoo eedo isku mid ah loo jeediyay.

Aqoonyahahnkan Soomaaliyeed oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ah ayaa wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi, waxaana dhawaan dowladda Kenya ay hor-keentay maxkamad, waxaana isaga iyo rag kale ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah, balse haatan wax dambi ah waa lagu waayay.

Xiritaanka Bur-saliid ayaa kusoo aaday xilli ay weli taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladaha Somalia iyo Kenya, inkastoo Kenya ay sheegtay in xarigiisa aysan xiisadaas ku lug lahayn.

Sidoo kale, Waxaa xabsiga laga sii daayay saddexdii ruux ee aqoonyahanka lala xiray, waxaana tani ay ahayd qodob si weyn looga hadal-hayay xilliyadii u dambeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Aqoonyahankan ayaa la sheegay in loo xiray hadallo uu ka sii daayay BBC-da oo uu inta badan wareysiyo siiyo, kuwaasoo la sheegay inay dhibsatay dowladda Kenya oo muran uu kala dhexeeyo dowladda Somalia.

PUNTLAND POST