Dagaal culus oo xalay ka dhacay Tukaraq

Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay soo sheegayan dadka ku nool tuuladaasi.

Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan jabhadda ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu  ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo.

Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dagaallamayaashooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido islamarkaana xiran ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaaray.

Dhinaca kale taliska ciidamada Somaliland ayaan weli dhinacooda ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo dadka degaanka ay ku tilmaameen midkii ugu cuslaa ee dhexmara jabadda Khaatumo iyo ciidamada Somaliland marka loo eego hubka culus ee halkaasi ka dhacayey habeenkii xalay.

PUNTLAND POST