Af-Urur: Al-shabaab baa i dilay hantidaydiina qaatay

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray deegaanka Af-urur.

Socdaalkan oo u jeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Bari Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Kusimaha Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawayn ballaaran ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo shucuur wanaagsan laga dheehanayo wejiyadooda iyo Jaceylka ay u qabaan Madaxdooda.

Madaxweynaha Ku-xigeenka oo la hadlay dadweynaha deegaanka Af-urur ayaa uga mahadnaqay soo dhoweyn ballaaran oo ay u sameeyeen, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyey inuu deegaankan ku soo gaaro oo muhiim u ah Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenma Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah loo howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af-urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidmada Ammaanka.

Halkan hoose ka eeg muuqaalka iyo sawirada

khudbadda kowaad ee madaxweyne ku xigeenka
Khudbadda uu kula hadlay saraakiisha ciidamada

PUNTLAND POST