Maamulka Hirshabelle oo amar ku bixiyay in lasoo xiro Dabo-geed iyo xiisad ka dhalatay

Baladweyne (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha maamulka Hirshabelle ayaa maanta amar ku bixiyay in lasoo xiro Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo dhawaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, balse ku gacan-sayaray inuu xilka wareejiyo.

Wararka laga helayo degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xiisad ka dhalatay amarkan ay ka taagan tahay halkaas, meelaha qaarna laga maqlay rasaas u dhexeysa ciidammo kawada tirsan dowladda federaalka Somalia.

Inkastoo aysan jirin khasaarooyin la sheegay inay ka dhasheen is-rasaaseynta ayaa waxaa hadddana wararku sheegayaan in xalaaddu ay aad u kacsan tahay, lagana yaabo inay dhacaan iska-horimaadyo u dhexeeya ciidammo kala taageersan maamulka Hirshabelle iyo Yuusuf Dabo-geed.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Hirshabelle, C/llaahi Maxamuud Gacal ayaa qoraal uu soo saaray ku bixiyay amar ah in lasoo xiro guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo lagu eedeeyay 10-dabi oo ay ku jiraan abaabullo dagaal oo la sheegay inuu wado.

Yuusuf Dabo-geed ayaa horay u sheegay inaanu aqbalin xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo xusay in tallaabadan loo maray hab aan sharci ahayn, wuxuuna ku adkeystay inuu isagu yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo aysan jirin cid uu xilka ku wareejinayo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan loo magacaabay, mas’uul lagu magacaabo, Cali Maxamed Carraale – waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan guddoomiye cusub loo dumar ah loo magacabaay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qodobbada lagu eedeeyay dabo-geed ayaa waxaa ka mid ah inuu sameeyay amar diiddo, sidoo kalena uu wado qorshe uu isaga horkeenayo shacabka ku nool gobolka Hiiraan iyo maamulka Hirshabelle, taasoo lagu sheegay inay ka mid tahay qaanooyin Qaran.

Ugu dambeyn, Xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay amarka la dul-dhigay Yuusuf Dabo-geed ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidammo millateri iyo booliis ah oo kawada tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST