Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay isu soo dhiibeen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

S/Gaas daahir Aadan Cilmi

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in uu dar dar ku socdo howlgalka Dalka looga saarayo malayshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen; Indhaqarshe ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka in ay yihiin kuwa Dalka ka saari kara Kooxda Al-shabaab.

Dhallinyarada ay qaldeen malayshiyaadka Al-shabaab ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in ay kasoo laabtaan Fikirka qaldan ee kooxdaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas ; Daahir Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in ka badan 30 Malleeyshiyaadka Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku macneeyay, howl gallada is daba joogga ah ee ay Ciidamadu ka sameeyaan goobaha ay Cadawga ku dhuumaaleysanayaan.

S/gaas; Daahir Aadan, ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday keydkii Hubka Wasaarada gaashaandhigga, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

PUNTLAND POST