Col. Caarre oo sheegay in uu gurigiisa ku weerari doono mas’uul ka tirsan Somaliland

Col. Saciid Cawil Jaamac Caarre oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa gebi ahaanba beeniyay war ka soo baxay Somaliland oo sheegtay in uu debadda u dhoofayo kadib markii ay ka soo xeroodeen ciidamadii raacay.

Taliye Caarre ayaa sheegay in uu ka been-abuurtay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro” balse Caarre ayaa wacad ku maray in uu tallaabo adag ka qaadi dooono Tiimbaro islamarkaana gurigiisa ku weerari doono.

Sidoo kale wuxuu golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ka dalbaday in ay xil ka qaadis ku sameeyaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iy wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Kaahin Axmed.

Biixi iyo Kaahin ayuu ku tilmaamay laba gacan-ku’dhiigle oo dadkii baabi’iyay waxaana uu hay’adaha caddaaaladda dunida ka codsaday in sharciga la mariyo labadaaasi nin.

Hadalka Col. Caarre ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland uu sheegay in ciidankii jabhadda Caarre ay dib ugu laabteen Somaliland isagiina keligiis joogo magaalada Qardho oo sida uu sheegay debadda uga dhoofayo.

PUNTLAND POST