Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo aad u hubaysan ayaa dib ula wareegay tuulada Af-Urur ee gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.
Tuulada Uf-Urur oo ciidamada Daraawiishta Puntland ay ka baxeen todobaadkii hore ayaa waxaa maalmo kadib qabsaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab balse ciidamada ayaa mar kale dib ula wareegay.
Malayshiyaadkii Al-shabaab ayaa sida la sheegayo ku laabtay buuraleyda dhanka waqooyi ka xigta tuulada Af-Urur oo ay markii hore ka soo baxeen.
PUNTLAND POST