Taliska AMISOM oo ballan-qaad u sameeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira oo kulan la qaaday madaxda DF ayaa u sameeyay ballaan-qaad ah in AMISOM ay sii wadi doonto wada-shaqeyntii kala dhexeys DF, ayna kasoo bixi doonaan hawlaha loo igmaday.

Danjiraha Madeira ayaa kulammo kala gooni-gooni ah shalay kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Dowladda Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulamadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay bishii kasoo dhaafay muddo kordhin u sameeyeen hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], si ay horay ugu dhaqaajiyaan sugida amniga guud ee Somalia.

“Waxaa naga go’an inaan ka shaqeynno sidii Somalia ay u noqon lahayd dal daggan oo nabad ah. Waxaana sii wadi doonaa dagaalka aan kula jiro ururka Al-shabaab oo caqabad ku ah nabadda Somalia,” ayuu yiri Danjire Madeira oo hadal kooban ka jeediyay kulanka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa waxay si gaar ah uga doodeen xaaladaha deegaannada Sabiid iyo bariire oo dhawaan laga qabsday Al-shabaab, iyagoo isla gartay in amniga deegaannadaas la xoojiyo si aysan Al-shabaab ugu soo laaban mar kale.

“Aniga iyo madaxweynaha waxaan isla garannay in amniga deegaannadii laga saaray Al-shabaab, gaar ahaan Bariire iyo Sabiid ay sugaan ciidamada Dowladda Somalia, isla markaana aan shacaba ku noool halkaas laga qaadin wax canshuuro ah oo baal-marsan sharciga iyo inaan cadaadisyo dheeri ah la saarin,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga Midowga Afrika ee Somalia.

Dhanka kale, Danjire Francisco Madeira ayaa kulan kan oo kale ah la qaatay guddoomiyaha barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal iyagoo kaga hadlay amniga dalka iyo xoojinta sidoo dalka uu u noqon lahaa mid xasilloon, isla markaana la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ergayga Midowga Afrika iyo Gudodomiye Mursal ayaa waxay si gaar ah uga hadleen doorshooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadaha soo socda, iyagoo isla gartay in inta aysan doorashooyinku dhicin la xasiliyo inta badan deegaannada Soomaalida ee ay doorashooyinku ka dhici karaan.

Ugu dambeyn, War-murtiyeed ay dhinacyadu soo saareen ayay ku sheegeen in kulammadoodii ay iskula garteen xoojinta amniga, ka hortagga wax walba oo sababi kara xasillooni-darro iyo in dagaalka Al-shabaab la xoojiyo.

PUNTLAND POST