Maamulka Gobolka Banaadir oo kala hadlay QM Horumarinta Guud ee Caasimadda Dalka

Muqdisho (PP) ─  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNDP u qaabilsan Somalia, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada xafiiskiisa.

Inj. Yarisow ayaa ugu horeyn Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, isagoo uga warbixiyay hawlaha ay isla wadaan maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNDP.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay ka fiiayaan mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo Caasimadda in ay fuliyaan.

Dhanka kale, Jocelyn Mason ka hadlay kulanka, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso maamulka gobolka Banaadir, si loo gaaro halka la higsanayo oo ah in caasimadda ay horumar ballaaran gaarto.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo warar ku aadan isbedel ballaaran lagu sameeyo maamulka gobolka Banaadir, gaar ahaan xagga hoggaanka, inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ay arrintaan kasoo saareen madaxda maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay xoojinayso wada-shaqeynta kala dhexeysa dowladda federaalka Somalia, kaddib markii ergay cusub uu xoghayaha guud ee QM u soo magacaabay Somalia, kaaso horay u ahaa safiirka Mareykanka ee Somalia, inkastoo uu xilkaas si iskiis ah isaga casilay.

PUNTLAND POST