Jabhad kale oo ka soo baxday Somaliland una gashay Puntland

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya  in jabhad hubaysan oo ka horjeedda maamulka Somaliland ay u soo tallaabtay dhinaca Puntland kadib markii ay maalmahan taba-barro ku qaadanaysay degaanka Garabcad oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dadka magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga soo xigtay in jabhadda hubaysan oo taageersan boqor Buurmadow ay haatan ku sugan yihiin nawaaxiga degmada Xiingalool kadib markii ay ogolaansho ka heleen odoyaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Puntland ee degmadaasi.

Jabhadda cusub ee ka soo baxday Somaliland ayaa sida la sheegayo doonaysa in ay dagaal ku qaaddo ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka balse weli lama xaqiijin in ay ku biirayaan jabhaddii iyaga ka soo horraysay ee Col. Caarre oo dagaal kala horjeedda Somaliland.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada jabhadda ee u soo tallaabay dhinaca Puntland.

Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha

PUNTLAND POST