Kulan looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Kulan xalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa looga hadlay amniga caasimadda, kaasoo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Xamar, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow].

Kulanka waxaa ka qayb-galay taliyaha booliiska DF, Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko], Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka socda gobolka Banaadir.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dar-dar-gelin lahaa sugida amniga Muqdisho, is-dhex-galka bulshada, dariseynta iyo horumarka caasimadda dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Inj. Yariisow ayaa kula dar-daarmay saraakiisha ciidamada in la adkeeyo Amniga guud ee Muqdisho, xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amni-darro.

Sidoo kale, Kulammadan ayaa waxay imaanayaa iyadoo xaaladda ammaan ee Muqdisho xilliyadii ugu dambeysay ay ahayd mid deggen, iyadoo kulanka uu imaanayo iyadoo maalin ka hor uu Muqdisho isku dilay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Somalia.

Ugu dambeyn, Taliyaha Booliiska Somalia, Jen Bashiir Ameerika oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha amni ee ay wadaan ciidanka Booliiska Somalia ee ku sugan waddooyinka Muqdisho, isagoo xusay inay la xisaabtami doonaan ciddii dhibaato u geysata shacabka.

PUNTLAND POST