Carrabeey dowladda Soomaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda Sool iyo Sanaag

Madaxweyne ku xigeenka  dowlad goboleedka Galmudug Maxamed xaash cabdi Carrabeey ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay hoos u eegto xaaladda ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Mudane Carrabeey ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in ay la socoto dhibaatooyinka ka jira degaannada SSC oo ay ka taagantahay colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ku salaysan khilaafka xuduudaha labada dhinac.

Dowlada Soomaaliya Waa inay Hoos u eegtaa waxa ka dhacaya Gobolada Sool iyo  Sanaag” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Carrabeey ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan Galmudug oo dowladda Soomaaliya u soo jeediya in ay la socoto xaaladaha ka jira gobollada Sool iyo Sanaag .

PUNTLAND POST