Liverpool oo ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub 2019

Liverpool oo markii 6-aad qaaday UEFA Champions League

Kooxda Liverpool ayaa markii lixaad ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga.

Ciyaarta kama dambeysta (final) tartankan oo sanadkan 2019 ka dhacday gagida Metropolitano magaalada Madrid ee dalka Spain, ayaa Liverpool 2-0 awood sheegatay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Tottenham, oo markii ugu horreystay taariikh timid kama dambeysta tartankan.

M. Salah

Liverpool oo aad loogu saadaalinayay tartankan ayaa bilowgii ciyaarta dhashatay goolka furitaanka waxaana qadiiqadii 2-aad u dhaliyay gool ku laad Mahamed Sallah, halka daqiiqadii 87-aad ee dhamaadkii ciyaarta uu goolka labaad u dhaliyay Divock Origi.

D. Origi

Cayaarta ayaa ugu dambeyn ku soo gaba-gabowday 2-0, oo Liverpool ku hanatay koobkii dhagaha waaweynaa ee UEFA Champions League, halka Tottenham oo sanadkan sameysay taariikh aysan waligeed sameyn guuldaro ka soo gaartay kama dambeystii.

Liverpool ayaa lix jeer ku guuleysatay tartankan UEFA Champions League, kuwaas oo kala ah 1977, 1978, 1981,1984, 2005 iyo 2019.

Liverpool waa kooxda saddexaad ee ugu guuleysiga badan tartankan, waxaa kaga horreeya kooxaha AC Milan iyo Real Madrid.

Dalka Ingiriiska ayaa sanadkan 2019, kuwada guuleystay tartamada kooxaha Yurub ee UEFA Champions League iyo Europa league.

PUNTLAND POST