Qaramada Midoobay oo Qoxooti ay Soomaali ku jiraan ka daad-gureysay Dalka Liibiya

Tripoli (PP) ─ Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR, ayaa waxay dalka Liibiya ka qaaday in ka badan 150-qof oo ka mid ah muhaajiriin dalkaas ku noolaa, waxaana dadkaan la geeyay Talyaaniga si loo dajiyo.

Muhaajiriintan laga qaaday Liibiya ayaa waxay u kala dhasheen dalalka ay ka mid yihiin; Somalia, Itoobiya, Eritrea iyo Sudan, waxaana tallaabadan ay qayb ka tahay badbaadinta qoxootiga faraha badan ee ku sugna Liibiya oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan.

Dadkan badankood ayaa la sheegay inay u baahan yihiin nafaqo, waxaana ku jira 65 carruur ah iyo hooyooyinkooda, waxaana ay si nabad-galyo ah ku tageen dalka Talyaaniga oo ay markii hore dhibaato u mari lahaayeen si ay u gaaraan.

Jean-Paul Cavalieri oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNHCR oo ku sugan dalka Liibiya, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo daad-gureyn bani’aadamnimo oo dheeri ah, si loo badbaadiyo kumannaan qof oo Liibiya ku xayiran.

Waddanka Liibiya oo ku yaalla Waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka socda dagaal ay ku loolamayaan siyaasiyiinta dalkaas oo isku haysta maamulka dalkaas, waxaana dagaalladan ay sababeen in dad badan oo qoxooti ah ay waxyeello kasoo gaarto.

Dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada Liibiya ayaa waxaa ku jira kuwo Somali ah, waxaana la sheegay in lagu duqeeyay goob ay colaadaha uga gabbanayeen, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawacyo, inkastoo qaarkood haatan laga qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda dalkaas oo uu dagaalka xooggiisu ka socdo.

Ugu dmabeyn, dadka laga daad-gureeyay iyo kuwa weli ku harsan Liibiya ayaa waxay dhammaantood halkaas u tageen inay u safraan Yurub si ay uga raadsanaad nolol ka wanaagsan middii ay dalalkooda ku haysteen.

PUNTLAND POST