Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay safiirka Soomaaliya ee boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cabdixakiim Xasan Ashkar u magacaabay  in uu noqdo safiirka Soomaaliya u qaabilsan qoqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa u yeertay safiirada Soomaaliya u joogay dalalka Masar iyo Suudaan iyadoo ku amartay in ay mudda todobaad gudihiisa dalka ku soo galaan safiiradaasi.

PUNTLAND POST