Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gudaha Puntland

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ayey ku sheegeen in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya Axaddii todobaadkan laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi aysan wax khasaara u geysan dadka rayidka ah ee ku nool degaannada lagu beegsaday malayshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi ahayd tii lixaad ee laga fuliyo buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April ee sannadkan  xilligaasi oo Maraykanku sheegay in uu duqeyn ku khaarajiyay ku xigeenkii hoggaaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST